CORONAVIRUS (COVID-19) RESOURCE CENTER Read More
Welwelka Ku Dhaca Caruurta iyo Dhalinyarada

Murugada Caruurta iyo Dhalinyarta

Dad badan ayaa mararka qaar dareema murugo, dareemida murugaduna waa qeyb caadi ah oo nolosha ka mid ah. Si kastaba ha noqotee, caruurta iyo dhalinyarta mar walba murugada dareema, badanaa, waqti badanna haysa, waxaa laga yaabaa inay qabaan shucuur fowdo ah oo lagu magacaabo murugo.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Murugta Ku Dhacda Caruurta iyo Dhalinyarta?

Caruurta iyo dhalinyarta waxaa laga yaabaa in shucuurta fowdo ku cabiraan iyo murugooda, xanaaq dhow, ama aad u qoonsi badan. Qaar lagu garto calaamadaha murugada waxaa ka mid ah:  

  • Si joogto ah u dareemid rajo la’aan, qiimo la’aan, is eedeyn, ama is ixtiraam hoose
  • Hoos u dhac xiisaha uu u hayo waxyaalo uu markii hore sameyntooda uu jeclaan jiray
  • Tamar beelid iyo wax ku dhaqaajiya la’aan  iyo caajis joogto ah
  • Dhib ku qabid inuu awoodiisa isugu geeyo si uu wax u fahmo
  • Isbedelo weyn oo ku yimaada rabitaankiisa cunnada iyo miisaankiisa jireed
  • Iska soocid bulshada ama hoos u dhac dad la xiriirkiisa 
  • Inuu mar walba ka fikiro dhimasho, inuu is dhaawaco, ama inuu isdilo
  • Inuu mar walba jirkiisa ka cawdo sida madax xanuun, murqo xanuun, calool xanuun ama daal
  • Xanaaq siyaado ah, xanaaq dhowaansho, cadowsasho ama dabeecado khatar ah
  • La qiiroosho ooyin, qeylo, cabasho ama xanaaq dhow oo aanan la fasiri karin
  • Ka maqnaansho iskuulka oo joogto ah ama howl qabashada iskuuulka oo heerkooda hooseeyo  
  • Si khaldan u isticmaalid alkolo ama daroogo.

Waxaa laga yaabaa inay caruurta iyo dhalinyarta ay dhib ku qabaan inay gartaan ama sharxaan qiiradooda iyo dareenkooda. Waxaa laga yaabaa inaysan weli aqoonin sidii ay ereyo ahaan nafsadooda ugu cabiri lahaayeen. Waxaa laga yaabaa inay dabeecadooda ku cabiraan sida ay dareemayaan. Waxay dadka waaweyn mararka qaar si khaldan uga terjumaan dabeecadahaan iyagoo u qaata inay iska yeelyeelayaan ama ay amar diidayaan, balse waxaa laga yaabaa inay calaamado u tahay murugo.

Waxaa sidoo kale jira xaalado kale oo caafimaad iyo dhimireed. Kuwaasoo leh calaamado la mid ah kuwa murugada. Waxaana macquul ah in ilmo uu hayo murug ama xanuunsanaan kale sida jiro walwal ama curyaannimo dhinaca barashada ah. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah inuu qiimeyn buuxda uu ka helo dhakhtar ku takhasusay sida saxda ah ee lagu aqoonsado cudurka.

Waa Maxay Waxyaalaha Sababa Xanuunka Murugada?

Sababta saxda ah ee keenta badanaa xanuun dhimireedka. Guud ahaan, xanuun dhimireedka waxay natiijo u tahay fir iyo asbaabo kale oo noolaha la xiriira oo isku dhafan iyo korniinka iyo asbaabo deegaaneed.  Isa saameynta u dhaxeysa noolaha iyo deegaanka waa mid adag. Maxkaxdu waxay saameysaa dabeecadda, khibaraduna waxay saameysaa koritaanka maskaxda. 

Murugada waxay saamaysaa qoyska, taasoo dalbaysa in dayacnaanta la iska dhaxli karo. Asbaabo kale oo dheeri ah , waxaa ka mid walwalka ka jira guriga, iskuulka, ama shaqada, sidoo kale dhacdo walwaleedka nolosha sida dhimashada, ama xanuunka daba dheeraada ayaa iyagana sabab noqon kara.

Sidee Walwalka Caruurta iyo Dhalinyarta Loo Daweeyaa?

Caruurta iyo dhalinyarta welwelsan ma ahan kuwa shakhsi ahaan daciif ah, dabeecadoodana cilad ma laha. Dareenkooda walwalka waa xaqiiqo dhab ah, suuragalna ma aha in laga fisho inay is farxad geliyaan. Caruurta iyo dhalinyarada walwalku hayo waxay u baahan yihiin daaweyn, walwalkoodana waa mid la daaweyn karo.

Daawo dabiici ahaan, daraasaduhu waxay muujiyeen in garashada dabeecada ama daaweyn gudaha shakhsiga ay caawinaad u tahay dadka la il daran welwelka. Labadan daawo waxay dhalinyarada ka caawiyaan inay ahmiyad siiyaan xiriirka shakhsiga kharibmay iyo si khaldan u fikirka badanaa la xiriira welwelka. Daawooyinka kale waxaa ka mid ah daawooyin koox ama qoyska. Waxaa jira baaritaano cilmiyeed koraya oo la xiriira isticmaalka daawooyinka si loo daweeyo welwelka caruurnimada.

Sideen Caawinaad U Heli Karaa?

Ugu horeyntii, la tasho dakhtarka ilmahaaga. Ilmahaaga u dalab baaritaan caafimaad dhamaystiran. Takhtarkaaga u sheeg haday jiraan dabeecado dareen kugu haya. Weydii takhtarkaaga haddii qiimeyn dheeri ah ama daaweyn uu sameeyo dakhtar ku takhasusay
mashaakil dabeecadeed ee ilmaha loo baahan yahay.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad la xiriirto iskuulka ilmahaaga. Macalimiinta iyo la taliyayaasha iskuulka waxaa sidoo kale laga yaabaa inay caawin karaan.

Waxaa laga yaabaa inuu ilmahaaga xaq u yeesho inuu adeegyada caafimaadka dhimirka ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmada. Degmadu waxay leeyahay teleefoon lacag la’aan ah oo shaqeynaya 24 saac maalintii. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad taqaano, islamarkaana ay kaaga jawaabaan su’aalaha la xiriira dabeecada ilmahaaga. Adeegooda iyo lambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowladda degmadaada ee ku qoran booga teleefoonada maxaliga ah.

Xageen Ka Heli karaa Xog Dheeri Ah?

Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

Ururka Samafalka Qaranka ee Xanuunka Walwalka, Inc.
(800) 239-1265
http://www.depression.org

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nmha.org